Amniga dalka oo deggan

0
513

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in guud ahaan wadanka ay ka jirto xasilooni buuxda.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ay si dhow ula shaqeyeen welina garab siinayaan shaqaalaha guddiga IEBC.
Hasa ahaate waxaa uu xusay inay jireen dhacdooyin aan waynayn oo amni darro oo saraakiisha ammaanka ay si degdeg ah uga falceliyeen.
Bayaanka booliska waxaa ku cad in koox looga shakisan yahay Al-Shabaab ay weerar ku qaadday Qarsa oo ka tirsan ismaamulka Mandera halkaasi oo ay ku gubeen mid ka mid ah baabuurta xamuulka iyo mooto.
Deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer, saraakiisha IEBC ayaa laga hor istaagay inay gudaha u galaan xarunta loogu talagalay in codadka deegaankaasi lagu tiro.
Shacabka Ceeldaas oo aan shalay codeyn ayay IEBC sheegtay inay maanta codkooda dhiiban doonaan.
Degmada Qorof Xaraar oo ka tirsan ismaamulka Wajeer waxaa lagu weeraray baabuur boolis oo siday agabka doorashooyinka.
Waaxda qaran ee adeegga booliska waxay bayaankeeda ku xustay in labo ka mid ah ciidamada halkaasi lagu dhaawacay.
Mr. Mutyambai ayaa kenyaanka ugu baaqay inay nabadda ku dadalaan oo ay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan ilaalinta xasiloonida guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here