Qaar ka mid ah codbixiyeyaasha oo uunan maanta aqoonsan agabka codbixinta

0
477

Qaybaha kala duwan ee dalka ayaa waxaa maanta laga soo tabiyay dhacdooyin ah inuu shaqeyn waayay ama uu qaar ka mid ah codbixiyeyaasha macluumaadkooda soo saarin agabka elektoronigga ee codbixinta ee loo yaqaano KIEMS.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay in qalabkan shaqeyn waayay ay yihiin ilaa 200 oo xabbo.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadka waawayn ee Garissa ayaa maanta caqabad kala kulmay codbixinta ka dib markii qalabka codeynta uunan soo saarin farahooda. Abaare 4-tii galabnimo ee maanta ,IEBC waxay sheegtay inay codeynta ay u soo baxeen dad gaaraya ilaa 12,065,803 oo ka mid ah 22,120,458 oo sanadkan diiwangashan.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 56.17 iyadoo hadda lagu howlan yahay tirinta codadkii ay dadweynaha dhiibteen.
Guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa sharci ahaan haysta muddo toddobo cisho ah oo uu gudahooda ku shaacin karo natiijada xilka madaxtinnimo.