Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay inay jiraan meelo ka tirsan 8-da gobol ee wadanka oo ay doorashooyin ku celis ah ka dhici doonaan labo toddobaad ka dib si gaar ah 23-ka bishan Siddedaad.
Tani ayaa timid ka dib markii meelahan aan laga codeyn warqadaha codbixinta oo isku qaldamay awgeed.
Waxaa ka mid ah ismaamullada Mombasa iyo Kakamega oo aan maanta barasaab looga codeyn.
Sidoo kale labo isbuuc ka dib ayay codbixiyeyaasha ku nool deegaan baarlamaneedka Kitui Rural , Koonfurta Pokot iyo Rongai oo ka tirsan ismaamulka Nakuru ay xildhibaano dooran doonaan.
Sidoo kale waxaa isla taariikhaasi loo codeyn doonaa xilka wakiilka deegaanka hoose ee Nyaki West oo ka tirsan deegaanka waqooyiga Imenti ee ismaamulka Meru iyo deegaanka hoose ee Kwa Njenga oo ka tirsan Koonfurta deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
Francis Wanderi oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa arrimahan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in dadweynaha deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer ay berri codeyn doonaan maadaama maanta codbixinta dib loo dhigay sababo amni awgood.