Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ciidamada amniga oo baaraya weerar xalay ka dhacay Mandera

Ciidamada amniga oo baaraya weerar xalay ka dhacay Mandera

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Mandera Onesmus kyatha ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay weerar abaare 10-kii habeenimo ee xalay laga gaystay degmada hareeri oo ka tirsan deegaanka hoose ee Qalaliyow ee bariga ismaamulka Mandera.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada ammaanka ay hadda wadaan baaritaano ku aaddan falkaasi oo loo adeegsaday bam gacmeed lagu tuuray dugsiga hoose dhexe ee hareeri hosle oo lagu wado in lagu qabto doorashada.
Mas’uulkan ayaa xusay in qaraxaas uu burbur gaarsiiyay mid ka mid ah fasallada dugsigaasi.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in amniga si wayn loo sugay oo dadweynaha berri codeynaya looga baahan yahay inaynan dhacdadan cabsi gelin.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in falkaasi ay gaysteen kooxo looga shakisan yahay Al-Shabaab.
Waxaa sidoo kale arrintan xaqiijiyay guddoomiyaha guddiga IEBC ee dalka Wafula Chebukati oo sheegay in halkaasi lagu gubay labo fasal balse amniga la adkeeyay oo codeynta lagu qaban doono fasallada kale ee aynan waxyeelladu gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments