Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kenya oo ay maanta doorasho guud ka billaabatay

DHAGEYSO:Kenya oo ay maanta doorasho guud ka billaabatay

Dadweynaha kenyaanka ah ayaa saaka u dareeray ka qayb qaadashada doorasho guud oo ay ugu codeynayaan musharraxiin u taagan xilalka madaxweynaha , barasaabka ismaamulka, xildhibaannada deegaannada, wakiillada dumarka , xubnaha aqalka sare iyo wakiillada deegaannada hoose ee ismaamullada.
Goobaha codbixinta oo furmay abaare 6-dii subaxnimo ee maanta ayaa soo xirmi doono 5-ta galabnimo.
In ka badan 22 milyan oo qof ayaa isku diiwaangeliyay ka qayb galka doorashada sanadkan oo ka dhacaysa ugu yaraan 46,000 oo xarumood.
Qaar ka mid ah dadweynaha ka codeynaya dugsiga sare ee Eastleigh High ee xaafadda islii deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa u warramay Yuusuf Gaas oo halkaasi ku sugan.

Wararka naga soo gaaraya deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer ayaa sheegaya inuu dib u dhac jiro sababo la xiriira rabshad xalay halkaasi ka dhacday.
Sidoo kale waxaa saaka uu dib u dhac ka jiray qaybo ka mid ah bariga ismaamulka Wajeer.
Dhanka kale Cabdullahi Xuseen Tawane oo nooga soo warramaya deegaanka Koonfurta Wajeer ayaa magaalada Habasweyne ku wareystay qaar ka mid ah shacabka oo xilli hore safaf u galay inay codadkooda dhiibtaan waxayna ka hadlayaan isbeddelka ay rajeynayaan.

Isla ismaamulka Wajeer dadka codkooda dhiibtay waxaa ka mid ah hooyo 85 sano jir ah oo la hadashay Cabdiraxmaan Mucaawiye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments