Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA William Ruto ayaa shacabka ku boorriyay inay nabadgalyada ku dadalaan xilliga doorashada guud ee 9-ka bishan Siddeedaad iyo marka laga gudbo ka dib.
Xilli uu shalay ku sugnaa xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi ayuu Ruto qof waliba oo kenyaanka ka mid ah kula taliyay inuu mas’uuliyad shakhsiyadeed iska saaro ka shaqeynta nabadda.
Dhanka kale senatarka ismaamulka Nairobi, Johnson Sakaja ayaa codbixiyeyaasha ku boorriyay inay codkooda u dhiibtaan si xikmad leh.
Sakaja ayaa carrabka ku dhuftay in madaxda laga doonayo inay shacabka ku hoggaamiyaan xoojinta midnimada.
Waxaa uu kenyaanka uga digay inay qabyaalad adeegsadaan isagoo xusay in la wada siman yahay.