Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila Odinga oo ganacsatada suuq Mugdi ugu deeqay 5 milyan oo shilin

DHAGEYSO:Raila Odinga oo ganacsatada suuq Mugdi ugu deeqay 5 milyan oo shilin

Senatarka ismaamulka Garissa Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji oo uu wehelinayay guddoomiyihii hore ee dowlad deegaankaasi Nathiif Jaamac Aadan ayaa guddiga culimada iyo qaar ka mid ah ganacsatada suuqa loo yaqaano suuq Mugdi ee magaalada Garissa oo horay u gubtay ku wareejiyay lacag dhan 6.5 milyan oo shilin.
Waxaa uu senetarka hoosta ka xarriiqay in 5 milyan oo dhaqaalahan ka mid ah uu ku deeqay musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga halka isagana uu ku kordhiyay 1.5 milyan.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah culimada iyo ganacsatada Suuq Mugdi oo ka mahadceliyay garab istaagga loo muujiyay.

Barasaabkii hore ee Garissa Nathiif Jaamac ayaa shakhsiyaadka lacagtan lagu wareejiyay ka codsaday inay gaarsiiyaan dadka u xaq leh iyagoo tixgelinaya kuwa ugu liita.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments