ELOG oo howlgelinaysa in ka badan 5,000 oo kormeerayaal ah

0
305

Kooxda dabagalka ku sameysa doorashooyinka ee (ELOG) ayaa sheegtay inay howlgelinaysa kormeerayaal gaaraya 5,108.
Waxay saraakiishan ku sugnaan doonaan goobaha codadka lagu tirinaya guud ahaan wadanka.
Tallaabadan ayaa ah mid looga gol-leeyahay in lagu xaqiijiyo hufnaanta geeddisocodka doorashada guud si natiijada ka soo baxdo ay u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.
ELOG ayaa intaasi ku dartay in deegaan baarlamaneedyada la geyn doono 580 kormeerayaal ah oo ka howl gelaya dhammaan 290 deegaan ee ay Kenya ka kooban tahay.
Waxaa arrimahan shaaca ka qaadday guddoomiyaha ELOG ,Anne Ireri .