Waaxyaha dowladda oo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah ku codeyaan

0
269

Iyadoo ay hal maalin ah naga xigta doorashada guud ee 9-ka bishan Siddeedaad ayaa waxaa isa soo taraya farriimaha loo diraya dadweynaha ee ku saabsan inay codkooda si nabad ah ku dhiibtaan.
Afhayeenka dowladda dhexe ,Cyrus Oguna ayaa sheegay in Kenya ay shanti sanaba hal mar ah doorasho ka dhacdo balse maalintaasi ay muhiim u tahay mustaqbalka horumarineed ee wadanka.
Waxaa uu shakhsiyaadka iyo shirkadaha loo shaqeeya ka codsaday inay xilli hore shaqaalahooda fursad u siiyaan inay codeynta ka qayb qaataan gaar ahaan kuwa meelaha fog u safraya.
Oguna ayaa hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyadda muwaadinka aynan ku koobnayn keliya inuu codkiisa dhiibto balse inuu sameeyo wax waliba oo suurtagelinaya in doorashada ay si nabad ah ku qabsoonto.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa dhankeeda bayaan ay soo saartay waxay dadweynaha ku boorrisay inay si deggan ugu codeyaan hoggaamiyaasha ay doonayaan iyagoo aan ku xadgudbin xuquuqda kenyaanka kale.
Waxaa farriintan diray madaxa xoghaynta amniga doorashada ee waaxda booliska dalka Mr. Dominic Kisavi xilli uu warbixin siinayay kormeerayaal matalaya Midowga Afrika iyo dalladda COMESA .
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa dhankeeda shacabka u sheegtay in laga doonayo inay waddaniyad muujiyaan oo ay nabadda ku dadalaan.