DHAGEYSO:Raila iyo Ruto oo sheegay inay wada shaahayn doonaan doorashada ka dib

0
509

Iyada oo shalay musharraxiinta xilka madaxtinimada ee ugu cadcad Raila Odinga iyo William Ruto ay Nairobi ku qabteen ololahoodii ugu dambeeyay ayaa labaduba waxay shegeen inaysan cadaawad ka dhexeyn islamarkaana midba mid kale uu salaami doono ka dib doorashada guud.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuu salaami doona xubnaha kale ee tartanka kala dhexeyo.
Xillin uu shlay isku soo bixisi ugu dambeeyay ku qabtay garoonka cayaaraha ee Kasarani ee magaalada Nairobi, ayuu sheegay inuu waligiis raacay nidaamka gacan qaadka.

Dhanka kale musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza ahna ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa markale ku celceliyay in uusan jirin xiriir xun oo kala dhexeya Raila Odinga inkasta oo ay jirto kala duwanshaha dhanka siyaasadda.
Dr.Ruto ayaa iftiimiyay inuu diyaar u yahay inuu xitaa shaah la cabo ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka ka dib doorashada.
Isaga oo shalay ka hadlayay fagaaraha taarikhiga ee Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi, ayuu soo bandhigay codsigoodii ugu dambeeyay ee codbixiyayaasha.
Ruto ayaa ku celceliyay in isaga iyo Odinga ay yihiin oo kaliya kuwa ku loolamaya siyaasadda oo ay labaduba doonayaan inay hoggaanka ugu sarreeya ee dalka kala wareegaan madaxweyne Uhuru Kenyatta.