IEBC oo musharraxiinta uga digtay inay sii wadaan ololahooda siyaasadeed

0
273

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay in ololaha doorasho ee ku aaddan doorashada guud uu ku ekaa 6-dii maqribnimo ee shalay .
Guddiga ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu musharraxiinta iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed uga digay inay sii wadaan olole doorasho maadaama ay soo idlaatay mudaddii loogu tala galay.
Dastuurka dalka ayaa qeexaya in ololaha siyaasadeed la soo gabagabeynaya 48 saacadood ka hor xilliga doorashada guud oo ku beegan 9-ka bishan Siddeedaad.
IEBC ayaa hoosta ka xarriiqday in cid kasta oo olole doorasho qabato ay ku xadgudbaysa xeerarka doorashooyinka ee dalka.
Shalay ayay ahayd markii musharraxiinta madaxweyne ee isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja ee kala ah William Ruto iyo Raila Odinga ay isku soo baxyadii ugu dambeeyay ku qabteen garoomada cayaaraha ee Nyayo iyo Kasarani ee magaalada Nairobi.
Doorashada guud ee sanadkan waxaa inay ka qayb qaataan isku diiwaangeliyay in ka badan 22 milyan oo codbixiyeyaal ah.