Kenya Kwanza oo loo oggolaaday inay isku soo bax ku qabato Nyayo Stadium

0
410

Isbeheysiga Kenya Kwanza ee uu hor kacaya madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa helay amar maxkamadeed oo u oggolaanaya inay 6-da bishan Siddeedaad isku soo bax siyaasadeed ku qabtaan fagaaraha Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi.
Guddiga maareeya cayaaraha dalka ee Sports Kenya ayaa horay uga soo horjeestay in taarikhdaasi kulan siyaasadeed uu ka dhaco garoomo ay Nyayo ka mid tahay maadaama sida ay sheegeen loo qorsheeyay in lagu qabto munaasabado nabadeed.
Hasa ahaate waxaa arrintan ka soo hor jeestay xulafada siyaasadeed ee William Ruto oo dacwad cabasho ah gudbiyay.
Garsoore Joseph Sergon ayaa soo saaray amar ku meel gaar ah oo hakinaya ku tallaaba qaadka go’aankii wasaaradda cayaaraha ee dalka.
Xaakinka oo ka jawaabayay kiiska ay maxkamadda geysay xoghayaha guud ee xisbiga UDA oo ka tirsan Kenya Kwanza, Veronica Maina ayaa cadeeyay inaynan jirin sabab loogu diido inay fagaaraha cayaaraha ee Nyayo ku qabsadaan ololahooda ugu dambeeya.
Dastuurka dalka ayaa dhigaya in ololaha doorasho la soo afjaro 48 saacadood ka hor xilliga codeynta guud oo ku beegan 9-ka August.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka ahna hoggaamiyaha UDA ,William Ruto oo saaka warbaahinta kula hadlay xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ayaa carrabka ku adkeeyay inuunan waxba iska beddelin qorshahooda ay 2-da duhurnimo ee maanta isku soo bax siyaasadeed ugu qabanayaan fagaaraha Tononoka ee magaalada Mombasa.
Shirka jaraa’id ayuu ka sheegay inay jiraan iskudayo ku aaddan in Kenya Kwanza laga hor istaago inay munaasabado siyaasadeed ka sameyaan garoomada dadweynaha balse aan lagu guulaysan doonin.
Waxaa uu Ruto ku andacoonaya in maalmo ka hor loo diiday inay isticmaalaan garoonka Bukhungu ee dowlad deegaanka Kakamega balse bannaanka goobtaasi ay kula hadleen dad aad u tiro badan.