Wada hadallo ku saabsan nukliyeerka Iiraan oo ka billaabanaya Vienna

0
530

Waxaa uu qorshuhu yahay in caasimadda dalka Austria ee Vienna ay dib uga billowdaan wada hadallo ku aaddan sida loo soo cusbooneysiin karo heshiiskii barnaamijka hubka nukliyeerka ee ay dowladda Iiraan sanadkii 2015-kii la gashay qaar ka mid ah waddamada ugu awoodda badan caalamka.
Waxaa halkaasi isugu tagaya wakiillo matalaya Maraykanka iyo Iiraan.
Wareegga cusub ee wada hadallada ayaa waxaa garwadeen ka ah Midowga Yurub.
Bishii Afaraad ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii dowladaha Shiinaha , Ruushka , Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ay si wadajir ah u billaabeen kulamo dib loogu soo nooleynaya is-afgaradkii sanado ka hor.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Nasser Kanani ayaa bayaan ku sheegay in xukuumadda Tehran ay ka go’an tahay in la gaaro heshiis waara.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhinacyada kale sida Maraykanka ay wada hadallada daacad ka noqon doonaan si loo xalliyo arrimaha la isku hayo.