Ciidamada booliska ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay hor-joogaha kooxda burcadda ee la magac baxday ‘Confirm’ oo in muddo ah dhibaateynaysay shacabka.
Dickson Macharia Waithira oo loo yaqaano Deco ayaa saaka la xiray ka dib dadaallo ay iska kaashadeen saraakiisha amniga ee gobolka Rift Valley.
Waxaa arrintan xaqiijiyay taliyaha booliska ee Nakuru Peter Mwanzo.
Dowlad deegaanka Nakuru ayaa waxaa bilooyinkii la soo dhaafay ku kordhay falal dambiyeedyada sida dilalka , dhaca hantida dadweynaha iyo tacaddiga loo gaysto dumarka.
Labo bilood ka hor ayay ahayd markii gudaha Nakuru lagu dilay 6 haween ah.
Xarigga horjoogaha kooxda burcadda ayaa ku soo aadaya iyadoo iskuduwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Macallin Maxamad uu maanta si rasmi ah u furay talis dhexe oo isku duba ridi doono howlaha amniga ee gobolkaasi.
Bishii hore ayay ahayd markii ciidamada booliska oo howlgal ka sameeyay aagga loo yaqaano Barut ee ismaamulkaasi ay ku toogteen afar ka mid ah xubnaha kooxda burcadda.