Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa maanta qabtay kulan duco ah oo ku saabsanaa sidii doorashada guud ay u noqon lahayd mid nabad ah.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa kenyaanka ka codsaday in isaga iyo saraakiisha kale ay Alle uga baryaan inuu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Chebukati ayaa xusay in shaqada uu hayo aynan ahayn mid fudud marka la eego mas’uuliyadda la xiriirta.
Waxaa uu kulanka maanta ka sheegay inuu duceysto marka uu gurigiisa ka soo baxo subixii sidoo kalena uu galabtii ku laabto.
Waxaa uu ku celceliyay inay ku dhaarteen ilaalinta dastuurka dalka sidaas awgeedna ay codeynta guud u maareyn doonaan sida habboon.
Guddoomiyaha IEBC ayaa dadweynaha u xaqiijiyay inay sameyeen wax kasta oo ay awoodaan si natiijada doorashada guud ay u noqoto mid lagu kalsoon yahay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhammaan agabka codeynta uu diyaar ahaan doono ugu dambeyn 6-da bishan.
IEBC ayaa soo gabagabeysay tababaridda saraakiil gaaraya 300,000 oo doorashada maareyn doono.
In ka badan 16,000 oo musharraxiin ah ayaa tartan ugu jiro 1,882 kuraas guud ahaan wadanka.
Kulanka maanta ayaa waxaa qabanqaabadiisa ka qayb qaatay ururka kaniisadaha dalka.
The Commission is today holding a prayer service together with @ncckkenya and @KenyaKccb at the @BomasofKenya "Themed Grace for Success towards the #GE2022" pic.twitter.com/rSwIbTKHnU
— IEBC (@IEBCKenya) August 3, 2022