Madaxweynaha Kenya oo aqoonsi siiyay 8 jaamacadood

0
433

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dokumeentiyada aqoonsiga guddoonsiiyay jaamacado gaaraya Siddeed.
Xarumahan waxbarasho ayaa laga dhigay jaamacado buuxa.
Jaamacadan ayaa kala ah Kaimosi Friends University (Vihiga), Alupe University (Busia), Tom Mboya University (Homa Bay), Tharaka University (Tharaka Nithi),Lukenya University (Makueni), Zetech University (Kiambu), Kiriri Women’s University of Science and Technology (Nairobi) iyo East African University oo ku taalla ismaamulka (Kajiado).
Madaxweynaha dalka oo hadal kooban ka jeediyay dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka wadanka ayaa maamullada jaamacadan ku boorriyay inay xoogga saaraan bixinta culuun kaalin ka qaadan karto xallinta baahiyaha ka jiro waaxyaha shaqaaleysiinta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in jaamacadaha wadanka ku yaallo ay u gudbaan marxad kale oo diiradda saaraysa isbeddelka dhaqaale ee caalamka.
Xarumaha tacliinta sare ee dalka oo sanadkii 2013-kii ahaa 52 ayaa hadda ah 238.