Darasaad lagu ogaaday in Raila Odinga uu ugu taageero badan yahay Kenya, isagoo ku horreeya 6 dhibcood

0
495

Shirkadda sameysa darasaadka iyo cilmi baarista ee IPSOS ayaa sheegtay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja -One Kenya ,Raila Odinga uu yahay musharraxa ugu caansan ee guud ahaan wadanka.
Mr. Odinga ayaa shacabka kenyaanka ka haysta taageero dhan boqolkiiba 47.
IPSOS ayaa warbixinteeda ku sheegtay in madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ay taageeradiisa tahay 41 boqolkiiba.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party ,George Wajackoyah ayaa isna haysta taageero dhan boqolkiiba 2.9 halka nambarka afaraad uu soo galay David Waihiga oo matalaya xisbiga Agano oo ay taageerayaan boqolkiiba 0.2 ee dadweynaha.
IPSOS ayaa sheegtay inay cilmi baarista ay ku wareysatay 6,105 qoys oo ku nool 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay kuwaas oo ah codbixiyeyaal diiwaangashan.
Waxaa ay intaasi ku dartay in dadkan si ka fool fool ah loo wareystay.
Agaasimaha shirkadda sameysa darasaadka iyo cilmi baarista ee IPSOS Samuel Muthoka, ayaa xusay in boqolkiiba 4 ee dadweynaha la wareystay aynan weli go’aansan cidda ay siinayaan codkooda ku aaddan qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Darasaadka shirkadda IPSOS ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 27 ilaa 30-kii bishii hore ee July ka dib dooddii loo qabtay musharrixiinta xilka madaxtiniomo.
Cilmi baarista maanta la soo bandhigay ayaa ku soo aadeyso iyadoo doorashada guud ay inaga xigto hal toddobaad.