4 burcad ah oo lagu dilay Turkana

0
483

Ciidamada booliska ee dalka ayaa laga soo xigtay in howlgal amni oo ay ka sameeyeen ismaamulka Turkana ay ku dileen afar burcad ah.
Laamaha ammaanka ayaa xusay in tani ay timid ka dib markii ciidamada ay burcadda oo mooto adeegsanayay ay rasaas isweydaarsadeen.
Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka ka dib ay heleen nooca qoriga ee loo yaqaano AK47 oo ay ku jirto toddobo xabbo oo rasaas ah iyo mootadii ay isticmaalayeen oo ay iskaga carareen.
Afhayeneka ciidanka booliska wadanka Bruno Shioso ayaa sheegay inuu weli sii socon doono howlgalka amni ee ka dhan ah kooxaha ismaamulka Turkana ka gaysta falalka burcadnimo iyo dhaca xoolaha.