Kenya oo daahfuraysa istaraatiijiyad ka dhan ah isdilka

0
463

Dowladda dhexe ayaa lagu wadaa inay maanta daahfurto istaraatiijiyaddi ugu horreysay ee looga hortagaya isdilka.
Waxaa nidaamkan soo saartay wasaaradda caafimaadka ee dalka iyadoo faahfaahisay tallaabooyinka loo baahan yahay in la adeegsado si afarta sano ee soo socoto boqolkiiba 10 loo yareeyo kiisaska shakhsiyaadka naftooda ka takhalusa.
Daahfurka barnaamijkan ayaa imaanaya iyadoo walaac xooggan laga qabo sare u kaca ku yimid falalkan.
Ciidamada booliska ee dalka ayaa laga soo xigtay in 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkii 2021-kii , ay gudaha wadanka isku dileen in ka badan 500 oo qof.
Maamullada caafimaadka ee dalka ayaa dhacdooyinkan u aaneeya culeysyo maskaxeed oo ay sababta xaaladda dhaqaale taasoo horseedda niyad jab.
Frank Njenga oo ku takhasusay la tacaalidda xanuunnada maskaxeed ayaa sheegay in xaaladahan aan inta badan la baarin, faquuq jiro awgeed.
Ururka caalamiga ee ka hor tagga isdilka ee (IASP) ayaa laga soo xigtay in 40-kii ilbiriqsiba uu qof is dilo.
Tani ayaa sanad kasta u dhiganta 800,000 oo ruux guud ahaan dunida.
In ka badan boqolkiiba 75 ee dhacdooyinka isdilka waxay ka dhacaan waddamada uu dhaqaalahoodu hooseeya ama dhexdhexaadka yahay.