Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa galinkii dambe ee shalay si rasmi ah u furay xarunta waaxda tareennada ee ismaamulka Kisumu ee gobolka Nyanza.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in gaadiidka tareenka uu sare u qaadi doono heerka dhaqaale ee Kisumu iyo si guud gobolka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mashruucan uu hoos u dhigi doono qarashaadka ku baxa gudbinta badeecooyinka kala duwan.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale shacabka Kisumu ugu baaqay inay xilliga doorashada guud ee 9-ka bishan Siddeedaad codkooda ku taageeraan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja –One Kenya, Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tilmaamay in horumarka wadanka ka jiro iyo hirgelinta mashaariicda kala duwan ay fududaatay ka dib markii nabad buuxda la helay sanadkii 2018-kii xilligaasi oo uu la heshiiyay Mr. Odinga.
Mr. Kenyatta ayaa ku celceliyay in si loo sii wado hirgelinta mashaariicda horumarineed ay lagama maarmaan tahay in hoggaanka wadanka loo doorto madax xoogga saaraysa nabadda iyo midnimada.
1/3
President Uhuru Kenyatta has officially opened the new ultra-modern Kisumu Railway Station located on Busia Road next to Kisumu Cotton Mills (KICOMI). pic.twitter.com/8lJGa0eGwG— State House Kenya (@StateHouseKenya) August 1, 2022
3/3
Next to the Railway Station is a business complex with 50,000 square feet of commercial rental space available to traders looking to benefit from the high human and small cargo traffic using the facility. pic.twitter.com/0Dyy9Lpj5u— State House Kenya (@StateHouseKenya) August 1, 2022