Qalabka doorashooyinka oo maanta la geynaya goobaha codbixinta

0
547

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay in ugu dambeyn galabta goobaha kala duwan ee ay codeynta ka dhacaysa la geyn doono qalabka loo adeegsanaya doorashada guud.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday guddoomiye ku xigeenka IEBC Julianna Cherera .
Waxay hoosta ka xarriiqday inuu qorshuhu yahay in dhammaan goobaha codbixinta lagu diyaariyo agabkan iyo diiwaanka codbixiyeyaasha si dadka ka qayb qaadanaya doorashada guud ay u xaqiijiyaan macluumaadkooda.