IEBC oo waxba kama jiraan ku tilmaantay cod lagu faafiyay baraha bulshada iyadoo lagu andacoonaya inuu yahay Junet Maxamad

0
440

Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka wadanka IEBC Julianna Cherera ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay cod lagu faafiyay baraha bulshada iyadoo lagu andacoonaya inuu yahay xildhibaanka deegaanka bariga Suna , Junet Maxamad oo la hadlaya sarkaal ka tirsan IEBC.
Waxay ku celcelisay in isgaarsiin kasta oo ku saabsan doorashada la doonayo in laga sugo IEBC oo baraha bulshada ku leh akoonno rasmi ah.
Sidoo kale waxay soo dhaweysay tallaabada xilli hore berri lagu xiraya dugsiyada wadanka maadaama xarumaha waxbarashada ay ka mid yihiin goobaha codbixinta.
Guddoomiye ku xigeenka IEBC Juliana Cherera ayaa sheegtay in dhammaan goobaha codbixinta oo gaaraya 46,299 guud ahaan dalka la geyn doono diiwaanka codbixiyeyaasha ugu dambeyn galabta si dadweynaha ay macluumaadkooda u xaqiijiyaan.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddiga doorashooyinka uu codbixiyeyaasha diiwaangashan fursad u siiyay inay xogahooda sida magacyada , nambarka aqoonsiga qaran ee kibaandhaha iyo goobta codbixinta ee laga diiwaangeliyay ay hubiyaan.
Cherera ayaa warbaahinta u sheegtay in maanta la billaabay in goobaha codbixinta la geeyo agabka doorashada ee istaraatiijiga iyo kuwa aan istaraatiijiga ahayn.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in si loo xaqiijiyo sinnaanta kenyaanka inuu daahfuray ablikeeshin arrimaha doorashooyinka loogu fasiray dadka naafada ka ah maqalka iyo aragga .