Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa heshiis iskaashi ah la gaaray shirkadda soo saarta baaburta ee CFAO, si loo fuliyo olole wacyigelin ah oo carruurta dugsiyada aadeysa looga badbaadinaya shilalka waddooyinka.
Ololahan oo loogu magacdaray ‘Get Home Safe’ oo micnaheedu yahay guriga nabad ku tag ayaa loo adeegsan doona qalab taraafiko ah, si carruurta dugsiyada aadaysa ama ka imaanaya si nabad ah waddada uga gudbaan.
Goobaha qalabka taraafikada loo adeegsan doono wax ka mid ah, waddada mashquulka badan ee Jogoo road ee magaalada Nairobi, oo loo arko meel halis ah oo shilalka ku badan yihiin.
Agaasimaha maamulka shirkadda baaburta soo saarta ee CFAO Arvinder Reel ayaa sheegay in shirkadooda ay go’an tahay inay taageeraan dadaallada carruurta dugsiyada dhigta looga badbaadinaya shilalka waddooyinka iyada oo la kaashanayo saamileyda muhiimka ah.
Ololaha loogu magacdaray ‘Guriga nabad ku tag’ ayaa la billaabay iyadoo laga jawaabayo qaylo dhaan ka timid dadweynaha ka dib markii ay kordheen shilalka waddooyinka, iyadoo mararka qaar laga soo tabiya meelo u dhow xarumaha waxbarashada.
In ka badan 4,000 oo qof ayaa sanad walba gudaha wadanka naftooda ku waayo shilalka waddooyinka, marka loo eego tirakoobyadii ugu dambeeyay ee dowladda shaaca ka qaaday.
Home Wararka Kenya Olole carruurta dugsiyada aadeyso looga badbaadinaya shilalka waddooyinka oo la billaabaya