Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in dugsiyada wadanka la xiri doono 6-da bisha soo socoto maadaama ay wadanka doorasho guud ka dhacaysa 9-ka August.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu ku sugnaa dugsiga sare ee gabdhaha ee Alliance Girls ka dib markii uu kormeeray dhisidda fasallada loogu talagalay manjahka waxbarashada ee CBC.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in goobaha tacliinta dib loo furi doono ka dib marka la shaaciyo natiijada doorashada guud.
Magoha ayaa taariikhda ay dib u billaabanayaan howlaha waxbarashada ku sheegay 15-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii ay dhacdo in doorashada lagu celiyo in la sameyn doono wada tashi ku saabsan in ardayda ay sameyn doonaan imtixaannada iyo in kale.
Wasiirka waxbarashada ee dalka ayaa dhanka kale mamnuucay dhammaan munaasabadaha ay siyaasiyiinta ku qabtaan garoomada dugsiyada wadanka oo uu xusay inay ku andacoonayaan inay mashaariic xariga ka jarayaan si ay u kasbadaan codbixiyeyaasha.
“Halkan kama jiri karaan howlo siyaasadeed, dabcan haddii aan meeshan ku arko baabuur siyaasi waxaana booliska ku wargelinaya inay la wareegaan, mudnaanta waxaa la siinaya carruurta” ayuur yiri wasiir Magoha.