Madaxweynaha dalka oo ka digay faafinta wararka been abuurka ee ku saabsan talaalka COVID-19

0
2734

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shacabka uga digay in ay faafiyaan waxyaabo aan xaqiiqda ku saleysnayn oo ay ka sheegayaan talaalka lagula tacaalayo cudurka COVID-19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay dejisay qorsho wax ku ool ah oo ku aaddan qaabka talaalka loo fulin doono.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in saraakiisha caafimaadka iyo howl wadeenada kale ee bixiya adeegyada muhiimka ah mudnaanta koowaad la siin doono marka talaalka la qeybinaya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in qaybaha kale ee bulshada sida macalimiinta ay ka faa’iidaysan doonaan talaalka.