Darasaad lagu ogaaday in xisbiga UDA uu ka caansan yahay ODM

0
461

Shirkadda darasaadka ee TIFA ayaa cilmi baaris ay sameysay ka dib sheegtay in xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu ka caansan yahay ODM oo uu madax ka yahay Raila Odinga.
TIFA ayaa taageerada siyaasaeed ee UDA ku sheegtay boqolkiiba 41 halka ODM ay haysato taageero dhan boqolkiiba 34 .
Waxaa nambarka saddexaad soo galay xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee(boqolkiiba 6) Wiper taageeradeeda shacab boqolkiiba waa 3 halka Roots Party uu haysto boqolkiiba 2.
Dhanka kale shirkadda TIFA ayaa laga soo xigtay in Raila Odinga uu boqolkiiba 46.7 yahay musharraxa madaxweyne ee loogu jecel yahay halka William Ruto oo uu tartan adag kala dhexeyo lagu sheegay boqolkiiba 44.4 .
Madaxa darasaadka ee TIFA ,Tom Wolf ayaa sheegay in boqolkiiba 5.2 ee dadka la wareystay aynan weli go’aansan musharraxa madaxweyne ee ay u codeyn doonaan.
Mr.Wolf ayaa hoosta ka xarriiqay in kastoo Raila Odinga uu taageero qaran oo badan haysto haddana ay suurtagal tahay inuunan ku soo bixin wareegga koowaad ee codeynta.
Waxaa uu tani u sababeeyay in musharraxiinta kale ee ah George Wajackoyah iyo David Waihiga Mwaure ay Raila iyo Ruto ka hor istaagi karaan inuu midkood ku guulaysto wareegga koowaad.

Ra’yi ururintan oo la sameeyay intii u dhexeysay 21-kii ilaa 26-kii bishan July ayaa muujinaysa in Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ay taageero badan ka haystaan ragga(boqolkiiba 51) marka loo barbardhigo dumarka(boqolkiiba 42).
Hasa ahaate William Ruto iyo Rigathi Gachagua ayuunan taageeradoodu u dhexeyn farqi wayn oo dhinaca jinsiyadda ah.
TIFA ayaa sheegtay inay wareysatay 2000 oo codbixiyeyaal diiwaangashan oo si fool-ka –fool ah loo wareysanayay.
11-kii bishan Toddobaad ayay ahayd markii shirkadda darasaadka ee TIFA ay taageerada UDA ku sheegtay boqolkiiba 33 halka ODM ay xilligaasi heshay boqolkiiba 26.