Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati ayaa sheegay in guddigu uu helay xog sirdoon oo tilmaamaysa inay jiraan shakhsiyaad ku wareegaya qaybaha kala duwan ee wadanka si ay codbixiyeyaasha lacag uga siistaan aqoonsigooda qaran.
Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid ka mid ah dembiyada ka dhanka ah xeerarka doorashooyinka ee wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in guddiga IEBC uu kaashanaya ciidamada booliska si gacanta loogu dhigo shakhsiyaadka arrintan ku howlan.
Sidoo kale Chebukati ayaa dadweynaha uga digay in aan lagu khiyaamin qorshahan.
Waxaa uu dadweynaha ka codsaday in iyagoo dhaqaale raadinaya aysan iska iibin sida uu hadalka u dhigay xuquuqdooda dimuqraadiyadeed ee ay u leeyihiin inay codeyaan.