2 qof oo loo xiray weeraradii masaajidda ee New Zeland

0
914

Ciidamada booliska ee dalka New Zealand ayaa gacanta ku dhigay labo qof.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa hanjabaado lagu gudbiyay baraha online-ka oo ka dhan ahaa masaajidii magaalada Christchurch ee labo sano ka hor lagu dilay 51 qof oo muslimiin ah.
Weeraradaas ayaa dhacay 15-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2019-kii.
Madaxa booliska ee degmada Canterbury John Price ayaa bayaan ku sheegay in aynan fududeysan halis kasta oo jirto oo ayna si dhow ula shaqeynayaan bulshada muslimiinta ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in farriin kasta oo naceyb ku saleysan ama dadka doonaya in ay dhibaatooyin gaystaan aan loo dulqaadan doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here