Waxaa maanta dalka la soo gaarsiiyay qaybtii ugu horreysay ee waraaqaha codbixinta ee xilka madaxweyne.
Warqadaha codbixinta oo laga soo dejiyay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ayaa waxaa guddoontay guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Juliana Cherera oo ay wehelinayeen saraakiil kale oo ka tirsan guddiga.
Shirkad loo yaqaano Inform P Lykos ayaa magaalada Athens ee dalka Giriiga ku soo daabacday warqadaha maanta wadanka la keenay.
Cherera oo warfidiyeenka la hadashay ayaa sheegtay in guddiga IEBC uu tixgeliyay isticmaalka diiwaanka caadiga ee codbixiyeyaasha.
Waxay hoosta ka xarriiqday in la soo saaro tilmaamo ku saabsan isticmaalka diiwaanka caadiga ee codbixiyeyaasha.
Waxaa ay tani ku soo aadeysa maalmo un ka dib markii wakiilo matalayay afarta musharrax ee uu guddiga IEBC u ansaxiyay u tartamidda hoggaanka ugu sarreeya wadanka ay booqasho ku tageen dalka Giriiga si ay goob joog uga noqdaan daabacaadda waraaqaha codbixinta.
Laba toddobaad ka hor ayay ahayd markii dalka la soo gaarsiiyay qaybtii ugu horreysay ee waraaqaha codbixinta, kuwaas oo isugu jiray waraaqaha codeynta ee 6-da jago ee hoggaamineed.