Ugu yaraan saddex qof oo shil ku dhimatay Kisii

0
393

Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil saaka ka dhacay waddada xiriirisa magaalooyinka Kisii iyo Kilgoris.
Waxaa shilka galay mid ka mid ah baabuurta loo adeegsanaya ololaha siyaasadeed ee Manson Oyongo oo ka mid ah musharraxiinta xilka barasaabnimo ee ismaamulka Kisii.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro dhaawac kale oo dhowr qof ah oo hadda xaaladooda caafimaad lala tacaalaya.