DHAGEYSO:Raila oo difaacay go’aanka uu ku qaadacay doodda musharraxiinta madaxweyne

0
386

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Meru difaacay go’aankiisi ahaa inuusan ka qayb gelin doodda musharraxiinta madaxweyne.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isaga iyo dhigiisa Kenya Kwanza William Ruto ay ku tartami doonaan doorashada guud.
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay inuu go’aansaday inuunan la doodin Ruto maadaama sida uu hadalka u dhigay uu ku tuhmayo qaladaad dhanka maamul wanaagga iyo anshaxa ah.
Odinga ayaa ku doodaya in haddii uu doodda madaxweynenimo kala qayb geli lahaa William Ruto , uu hoggaamiyaha xisbiga UDA heli lahaa fursad uu isaga bari yeelo eedeymaha loo jeediyay ee dhanka musuqmaasuqa ah.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo xalay arrintan wax laga weydiiyay ayaa ku jawaabay in sababta Raila Odinga uu u qaadacay ka qayb qaadashada doodda ay tahay inuunan hayn qorsho cod oo uu kenyaanka u faahfaahin karo.
Dhanka kale Raila Odinga ayaa maanta ololihiisa siyaasadeed geyn doono ismaamulka Nyeri si shacabka halkaasi ku nool uu uga codsaday inay taageeraan 9-ka bisha Siddeedaad.
Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja, Martha Karua ayaa dhankeeda sheegtay in ololahooda uu yahay mid ku saleysan wax ka qabashada xaaladda dhaqaale ee dalka iyo la tacaalidda saboolnimada.