IEBC: Ma jiro walaac ku saabsan doorashada guud

0
500

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inaysan jirin sabab walaac looga muujiyo maareynta codeynta guud ee sanadkan.
Waxaa uu guddigu kenyaanka u xaqiijiyay in doorashada ay noqon doonto mid u dhacda si xor iyo xalaal ah.
Tani ayaa timid ka dib markii waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay sheegtay in agab astaan oo maalmo ka hor lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi loogu talagalay goobaha codbixinta ee 10 ismaamul.
Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka ,Wafula Chebukati ayaa sheegay in agabkaasi uunan istaraatiiji ahayn sidaas awgeedna aan loo baahneyn in dadweynaha ay walaac ka muujiyaan qaabka loo maamuli doono doorashada nagu soo aaddan.