DHAGEYSO:Afar siyaasi oo la xiray ka dib markii lagu eedeyay in ay codbixiyaasha cabsi geliyeen

0
705

Waxaa xabsiga loo taxaabay afar ka mid ah siyaasiyiinta xulafada la ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo lagu eedeyay in ay Khalkhal geliyeen codbixiyayaasha.
Waxay kala yihiin senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei,xildhibaanka Kimilili Didmus Baraza, dhigiisa Belgut Nelson Koech iyo eedeysane kale.
Xilli ay warbaahinta la hadleen ayay sheegeen in aynan garaneyn sababta loo xiray.
Mr. Cherargei ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabada lagu xiray ay tahay mid siyaasadeysan