DHAGEYSO:Shacabka Nandi oo ka cabanaya qiimaha sare ee burka iyo booshada

0
475

Dadweynaha ku nool magaalada Kapsabet ee ismaamulka Nandi ayaa cabasho ka muujinaya in waxyaabaha laga soo saaro galleyda sida booshada iyo burka aan looga iibin qiimaha ah 100 shilin oo ay dowladdu horay u jaangoysay.
Waxay dowladda dhexe ugu baaqeen inay arrintan wax ka qabato maadaama cuntooyinkan looga iibinaya 200 oo shilin iyo in ka badan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu sheegay in badeecooyinkan qiimo dhimis loogu sameeyay si shacabka looga fududeeyo culeyska nololeed ee ka dhashay sicir bararka jira.