DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha muslimiinta oo cambaareeyay qaab uu wasiirka tacliinta ula macaamilay wariye

0
521

Goleyaasha muslimiinta dalka sida SUPKEM,NAMLEF,guddiga masjidka wayn ee Jamia ee magaalada Nairobi , ururka wariyaasha muslimiinta ee dalka , ururka haweenka muslimiinta iyo ururka qareennada muslimiinta ee Kenya ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan qaab uu wasiirka wasaaradda tacliinta Prof. George Magoha ula dhaqmay gabadh wariye ah oo xijaaban xilli ay su’aal weydiisay.
Waxay war saxaafadeedka ku sheegeen in dhacdadaasi oo muuqaalkeeda lagu faafiyay baraha bulshada ay tahay mid nasiib darro ah oo ka careysiisay bulshada muslimiinta ee ku nool gudaha Kenya.
Wasiirka ayaa gabadha ku yiri “Waxaan filaya in aadan matalin Al-Shabaab maxaa yeelay kaagama jawaabaya su’aasha”.
Qoraalka waxaa ku cad in hadalka wasiirka laga dheehan karo takoor iyo bartilmaameedsi diimeed.
Tani ayay sheegeen inay meel ka dhac ku tahay xuquuqda diimeed ee dastuuriga ah, sharafta bani’aadanka iyo xurriyadda saxaafadda.
Sidoo kale waxay ku tilmaameen mid caqabad ku noqon karto dadaallada amni ee ka dhanka ah argagixisada.
Waxay guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ugu baaqeen inuu tallaabo degdeg ah ka qaado wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha.
Guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM Xasan Ole Nado iyo xubnaha kale ee shirka jaraaid maanta qabtay ayaa sidoo kale golaha warbaahinta wadanka ee MCK ku boorriyay inuu arrintan dabagal ku sameeyo .
Waxay sidoo kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ugu baaqeen inuu shaqada ka joojiyo wasiirka tacliinta ee wadanka.