Madaxweynaha dalka oo ka hadlay wanaajinta nolosha naafada

0
348

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in sanduuqa qaran ee naafada ee (NFDK) loo adeegsaday in lagu wanaajiyo nolosha dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xubnaha guddiga maamulo sanduuqan oo ay hoggaaminayso guddoomiyahooda Mrs. Kristina Pratt, ay aad ugu dadaaleen sidii dowladda iyo bulshada ay wax uga qaban lahayeen baahiyaha naafada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa howlwadeennada guddiga (NFDK) ku bogaadiyay shaqada ay hayaan.
Madaxweynaha oo sidoo kale ah madaxa sanduuqan ayaa arrintan ka sheegay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi oo ay ugu tageen mas’uuliyiinta guddigan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay sida waxbarashada dadka qabo baahiyaha gaarka ah qayb looga dhigay hannaanka tacliinta dalka .
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay naafo badan fursad u siisay inay horumar ka gaaraan dhanka waxbarashada.
Intii uu kulanka socday, guddiga sanduuqa NFDK ayaa madaxweynaha dalka ku wareejiyay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay muddo shan sano ah.
Mrs. Pratt ayaa madaxweynaha uga mahadcelisay taageerada uu u muujiyay barnaamijyada dowladda ee lagu wanaajinayo noolosha dadka naafada ah.
Waxay carrabka ku adkeysay in intii uu hoggaanka wadanka hayay in Mr. Kenyatta uu taageeray sanduuqa qaran ee naafada.
Waxay sheegtay in sanad kasta dadka qabo baahiyaha gaarka ah la siin jiray 14 milyan oo shilin balse hadda ay sanadkii bixiyaan 350 milyan oo shilin.
Guddoomiyaha guddiga maamulo sanduuqa qaran ee naafada Mrs. Kristina Pratt ayaa intaasi ku dartay inay hadda dhaqangelinayaan in ka badan 160 mashaariic ah.