Baarlamaanka dalka oo yeeshay karraani ku meel gaar ah

0
440

Karraaniga baarlamaanka dalka Mr. Michael Sialai oo xafiiska baneynaya ayaa ku xigeenkiisa Ms. Serah Kioko xilkan si ku meel gaar ah ugu wareejiyay.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday kulan uu yeeshay guddiga adeegga ee golaha xeer dejinta wadanka.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii guddiga adeegga baarlamaanka uu Ms. Kioko u magacaabay sii hayaha xilka karraaniga baarlamaanka Kenya.
Ms. Kioko oo sidoo kale ah ku xigeenka karraaniga golaha qaran ee xeer dejinta ayaa guddiga PSC ku biirtay 28 sano ka hor.
Barta rasmiga ee Twitter-ka baarlamaanka dalka ayaa la soo dhigay qoraal tilmaamaya in Mr. Sialai uu dabayaaqada bisha dambe noqonaya safiirka Kenya ku matalo dalka Namibia waxaa uuna karraaniga baarlamaanka ahaa tan iyo sanadkii 2017-kii.