Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa bogaadiyay sida ay uga go’aneyd inay u adeegaan qaranka shaqaalaha ka howlgala aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo State House ee magaalada Nairobi.
Mr. Kenyatta ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha aqalka madaxtooyada doorka ay ka qaateen sidii ay u guteen waajibaadkii loo igmaday.
“Anigoo ku hadlaya magaceyga, magaca marwada koowad iyo dhammaan qoyskeyga, waxaan dhammaantiin idin kaga mahadnaqeynaa sida wanaagsan aad ii noola shaqeyseen ,Weynu tebi doonaa mid kasta oo idin ka mid ah, waxeynu xambaari doonaa xasuus wanaagsan oo aynu ka wada shaqeyno u adeegida qarankeena” ayuu yiri madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Hadalkan ayuu jeediyay hoggaamiyaha uga sarreeya dalka, xilli uu aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ku qabtay kulan mahadnaq iyo duco.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kula dardaarmay kuwa ku sii sugnaan doono aqalka madaxtooyada inay taageeraan maamulka imaan doona oo ay ugu adeegaan si hagar la’aan ah si dalka loo gaarsiiyo meel sare oo horumar leh.
Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa imaanaya iyadoo muddo xileedkiisa uu dhamaanayo labo toddobaad ka dib.
1/3
"On my own behalf, the First Lady and my entire family, we are grateful to all of you, all departments of State House, for we have worked very well together. We shall miss each one of you, and will carry fond memories of working together in the service of our nation" pic.twitter.com/bBEOZOkhRu— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 24, 2022
3/3
That was President Uhuru Kenyatta's message to State House Kenya staff on Sunday during a thanksgiving service hosted to honour the Head of State's successful 10-year tenure. pic.twitter.com/R30NWoqD3y— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 24, 2022