DHAGEYSO:Ruto oo Raila ku dhaliilay qaadacaadda doodda madaxweyne

0
509

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza, William Ruto ayaa dhigiisa Azimio Raila Odinga ku dhaliilay go’aanka ah inuusan dood kala qayb geli doonin.
Waxaa uu sheegay in Raila uu qaadacay ka qaybgalka doodda maadaama sida uu hadalka u dhigay uunan hayn qorsho uu kenyaanka u faahfaahin karo.
Xilli uu dadweynaha kula hadlay fagaaraha Erera ee ismaamulka Kisii ayuu William Ruto carrabka ku adkeeyay in Raila uu ka cabsi qabo inuu su’aalo adag oo musuqmaasuqa uu ka mid yahay uu weydiiyo.
Sidoo kale waxaa uu xaqiijiyay inuu iska xaadirin doono goobta lagu qabanaya doodda musharraxiinta madaxweyne si uu qorshaha isbeheysiga Kenya Kwanza ula wadaago shacabka.