Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa maanta isku soo baxyo siyaasadeed ka sameynaya ismaamullada Tharaka Nithi, Embu , Laikipia iyo Nyandarua
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii hoggaanka dalka uu qabto maamulkiisa uu si wayn ula dagaallami doono musuqmaasuqa .
Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inuu wax ka qaban doono caqabadaha dhanka wax soo saarka beeraha si gaar ah qaxwada iyo caleenta shaaha.
Shacabka Tharaka Nithi ayuu u sheegay inuu halkaasi ka hirgelin doono warshad soo saarta hilibka si loogu suuqgeeyo Nairobi iyo dibadda.
Mr. Odinga ayaa soo hadal qaaday caymiska xoolaha oo uu qorsheynaya in maamulkiisa uu soo kordhiyo si xoolo dhaqatada ay magdhow u helaan.
Waxaa uu soo hadal qaaday nidaamkii xeer beddelka ee BBI isagoo carrabka ku adkeeyay inuu dhaqangelin doono soo jeedintii ahayd in miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada oo ah boqolkiiba 15 in laga dhigo boqolkiiba 35.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Tharaka Nithi ayuu sheegay in hadii xilka madaxtinnimo oo ku guulaysto, wasiirka beeraha Peter Munya uu sii hayn doono jagada uu hadda haya.
Marwada Raila Odinga, Ida Odinga ayaa dhankeeda dadweynaha ismaamulka Migori u sheegtay in hadii uu hoggaanka qabto musharraxa madaxweyne ee Azimio, qoysaska uunan wax dakhli ah soo gelin ay bishii heli doonaan 6,000 oo shilin .