Raila oo aan ka qaybgeli doonin doodda madaxtinnimo

0
496

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja –One Kenya ,Raila Odinga ayaan ka qayb qaadan doonin dood la qorsheeyay in 26-ka bishan oo Talaadada ku beegan loo qabto shakhsiyaadka u tartamaya xilka madaxtinnimo ee wadanka .
Waxaa xilkan u taagan afar musharrax oo kala ah Raila Odinga, William Ruto, George Wajackoyah iyo David Mwaure Waihiga.
Afhayeenka xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee Raila Odinga, Prof.Makau Mutua ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in musharraxooda uunan dood kala qayb galayn dhigiisa isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto.
Mutua ayaa Ruto ku eedeynaya inuu doonayo inuu diiradda doodda ka weeciyo arrimo muhiim u ah kenyaanka sida la dagaalanka musuqmaasuqa , hufnaanta , anshaxa iyo maamul wanaagga sidaas awgeedna sida uu qoraalka u dhigay aynan micno lahayn inay ka qayb galaan dood ay aaminsan yihiin inaysan wax badan soo kordhinayn.
In kastoo garabka siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uunan weli eedeyntan iska fogeyn, maalmo ka hor ayay sheegeen inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada doodda .
Agaasimaha isgaarsiinta ee ololaha madaxweyne ee Ruto, Xuseen Maxamad ayaa sheegay inay diyaar u yihiin su’aal kasta oo la weydiiyo balse ay soo jeedinayaan in doodda lagu falanqeeyo arrimo muhiim ah oo aan kenyaanka wakhti looga lumin waxyaabo shakhsiyeed.
Prof. Makau Mutua ayaa sheegay in Raila uu doodda qaadacayo balse isaga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ay ka qayb geli doonaan kulan laga baahinaya saxaafadda oo lagu qaban doono goobta shirarka ee Jericho Social Hall ee xaafadda Eastlands oo ka tirsan Nairobi.
Waxaa uu bayaanka ku xusay in shacabka ay labada siyaasi si toos ah u weydiin doonaan su’aalo ku saabsan caqabadaha ay wajahayaan iyo xalka ay u hayaan.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party , Prof.George Wajackoyah ayaa dhankiisa horay u sheegay inuu doodda ka qayb galaya keliya hadii isaga , Raila iyo Ruto hal madal ah su’aalo lagu wada weydiinaya.