Ismaamullo ay Garissa ka mid tahay oo ay saameyn karto shaqo joojinta dhakhaatiirta

0
369

Midowga dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa wacad ku maray in xubnaha ka tirsan ay muddo toddobaad gudaheeda ah shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha guud ee KMPDU, Dr. Davji Atella .
Mas’uulkan ayaa tallaabada ay damacsan yihiin u aaneeyay in shaqaalaha caafimaad aan la siin mushaaraadkooda.
Dr. Davji ayaa hoosta ka xarriiqay in shaqo joojinta ay saameyn doonto ismaamullada kala ah Murang’a, Kisii, Embu, Meru, Garissa iyo Taita Taveta .
Waxaa uu intaasi ku daray in dhowr mar maamulka dhakhaatiirta iyo hoggaanka ismaamulladan ay ku heshiiyeen in lacagaha la bixiyo balse aan taasi ilaa iyo hadda laga dhabeyn.
Atella ayaa madaxda dowlad deegaannadan ku wargeliyay in haddii hal isbuuc gudihiisa aynan dhakhaatiirta ku siin mushaaraadka ka maqan in saraakiisha caafimaadka aynan iska xaadirin doonin goobahooda shaqo.
Midowga KMPDU ayaa dhanka kale sheegay in maamulka xiga ee bisha Siddeedaad qaban doono talada wadanka laga doonayo inuu mudnaanta koowaad siiyo shaqaaleysiinta dhakhaatiir dheeraad ah.