Kenya oo laga billaabo maanta khaad u dhoofinaysa Soomaaliya

0
568

Maamulka beeraha iyo cuntada ee dalka (AFA) ayaa xaqiijiyay in laga billaabo maanta Soomaaliya loo iib geyn doono khaadka laga soo saaro gudaha Kenya.
Tani ayaa timid ka dib dadaallo ay sameysay wasaaradda beeraha ee wadanka.
Maamulkan oo qaabilsan sare u qaadidda bedeecooyinka laga dhoofiyo Kenya ayaa sheegay in 22 ganacsato ah oo la ansaxiyay ay heli doonaan leesimadooda.
Dib u dhoofinta khaadka Kenya ayaa yimid ka dib markii dib loo furay xadka uu dalka la wadaago Soomaaliya oo uu horseeday wada hadal ay 16-kii bishan yeesheen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Labada mas’uul ayaa ku heshiiyay in dib loo billaabo duulimaadyadii shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ee toos isugu xiri jiray magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.