Barasaabka Migori oo laga xannibay hanti dhan 74 milyan

0
373

Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC u oggolaatay inuu xannibaad saaro hanti uu qiimaheedu yahay 74 milyan oo shilin oo uu leeyahay guddoomiyaha dowlad deegaanka Migori ,Okoth Obado.
Amarkan oo ay soo saartay garsoore Esther Maina ayaa shaqeynaya ilaa inta laga soo gabagabeynaya dacwad ka dhan ah barasaabka.
Waxaa uu Okoth Obado ku eedeysan yahay inuu lacagtan ka musuqmaasuqay dowladda ismaamulka Migori ee uu hoggaamiyo.
Amarka maxkamadda waxaa ku cad in siyaasigan uunan adeegsan karin labo baabuur oo kuwa qaaliga ah iyo guri uu ku leeyahay xaafadda Loresho ee magaalada Nairobi.
Obado ayaa sidoo kale loo diiday inuu baaburta iska iibiyo ama uu lacag kiro ah ka qaato gurigaasi la deggan yahay.
Maxkamadda ayaa amartay in dhaqaalihii ka soo galay guriga uu ku wareejiyo guddiga EACC.
Dacwaddan ayay mar kale maxkamaddu soo hadal qaadi doontaa 18-ka bisha sagalaad ee sanadkan.