Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa maanta warbaahinta u sheegay in ciidamo gaaraya 150,000 loo xilsaaray inay xilliga doorashada guud ee bisha dambe si wayn u sugaan amniga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in saraakiishan la geyn doono qaybaha kala duwan ee wadanka.
Madaxa booliska dalka ayaa laga soo xigtay in saraakiishan ay isugu jiraan boolis ,ciidamada asluubta , howlwadeennada waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS, kuwa adeegga duurjoogta ee KWS iyo saraakiisha adeegga keymaha ee KFS.
Mutyambai waxaa uu cadeeyay in askarta lagu amray inay hubiyaan badqabka dadweynaha.
Sidoo kale waxaa la diyaariyay ilaa shan diyaaradood oo loogu talagalay inay bixiyaan adeegyada tasiilaadka ee xilliga doorashada.
Tallaabooyinka ay dowladdu qaadayso waxaa ka mid ah in saraakiisha ammaanka la siinaya baabuur dheeraad ah iyo qalab ay amniga ku sii adkeyn karaan.
Abaanduulaha booliska dalka ayaa sidoo kale sheegay in xoghaynta amniga ay sameynayso qiimeyn ku aaddan in dalka ay khatar soo foodsaari karto si loogu diyaar garoobo.
Waxaa uu digniin adag u diray shakhsiyaadka qorsheynaya inay rabshado iyo falal dambiyeedyo gaystaan maalinta codeynta isagoo wacad ku maray in tallaabo adag laga qaadi doono.
Hillary Mutyambai waxaa uu xusay inuu jiro talis shaqeynaya 24 saacadood oo loogu talagalay ka falcelinta caqabadaha amni ee doorashada la xiriira.
Waxaa uu taliyaha guud ee booliska u xaqiijiyay shacabka in waaxda qaran ee adeegga booliska ay ka go’an tahay xaqiijinta sidii codeynta guud ay u noqon lahayd mid nabad ah.