DHAGEYSO:Afhayeenka dowladda oo dhallinyarada ugu baaqay inay nabadda ku dadaalaan

0
578

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna oo socdaal ku tagay ismaamulka Tharaka Nithi ayaa da’yarta ku boorriyay inay si buuxda uga qayb qaataan horumarka wadanka.
Waxaa uu u sheegay inay yihiin hoggaamiyaasha mustaqbalka ee Kenya sidaas awgeedna laga doonayo in aan loo adeegsan falalka wax u dhimi karo xasiloonida.
Oguna ayaa dhallinyarada kula taliyay in xilliga doorashada guud ay codkooda ku dhiibtaan si nabad ah iyadoo aan rabshad kicin ka dibna ay sugaan natiijada xilalka kala duwan ee hoggaanka.

Afhayeenka dowladda dhexe ayaa sidoo kale ka hadlay qiimaha hoos loo dhigay ee waxyaabaha laga soo saaro galleyda sida burka iyo booshada .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay qaaday welina ay ku howlan tahay tallaabooyin culeyska nololeed looga fududeynaya dadweynaha.

Cyrus Oguna ayaa dhanka kale beeniyay inay jiraan mashaariic horumarineed oo hirgelintoodu uu hakad ku yimid isagoo sheegay in tan iyo sanadkii 2013-kii, gudaha wadanka laga dhisay waddooyin dheerarkoodu yahay in ka badan 12,000 oo kiilomitir.