Kormeerayaasha doorashada oo maanta warbixin soo saaraya

0
463

Kooxda ELOG oo kormeeri doonto doorashada guud ee sanadkan ayaa lagu wadaa inay maanta bayaan soo saarto.
Qoraalka waxaa uu ku saabsan yahay sida loogu diyaar garoobay maareynta codeynta guud ee 9-ka bisha Siddeedaad.
ELOG waa madal qaran oo ay xubno ka yihiin ururrada bulshada iyo hay’adaha diimeed.
Waxay ka shaqeysa in sare loo qaado sida ay muwaadiniinta uga qayb qaataan geeddisocodka doorashada iyadoo si dhexdhexaadnimo ah looga warramayo howlaha codbixinta.