William Ruto oo ka qayb geli doono doodda musharraxiinta madaxweyne

0
454

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ka qayb gali doona doodda la qorsheeyay in maalinka Talaadada ee 26-ka bishan loo qabto musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa sidatan xaqiijiyay madaxa xoghaynta ololaha madaxweyne ee Ruto ahna guddoomiyaha ismaamulka Turkana kana mid ah xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka Josephat Nanok.
Nanok oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto uu dooddaasi kaga hadlin doono arrimo muhiim ah oo khuseeya Kenyaanka.
Doodda waxay dhex maraysa musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo dhigiisa Kenya Kwanza William Ruto.
Waxaa sidoo kale dooddaasi ka qaybgeli doono musharrxiinta xilka madaxtinimo ee xisbiyada Roots Party iyo Agano Party oo ay kala hoggaamiyaan George Wajackoyah iyo David Waihiga Mwaure
Doodda ayaa lagu qaban doona xarunta jaamacadda Catholic University ee bariga Afrika ee magaalada Nairobi.
Agaasimaha isgaarsiinta ee ololaha madaxweyne ee William Ruto, Xuseen Maxamad ayaa sheegay inaysan wax dhib ah ku qabin muddada ay socon doonto doodda.
Hasa ahaate waxaa uu wariyaasha daadihinaya ku boorriyay inay diiradda saaraan waxyaabaha ay dani ugu jirto dadweynaha oo aynan ku mashquulin arrimo shakhsiyeed.
Xuseen Maxamad ayaa carrabka ku adkeeyay in William Ruto uu diyaar u yahay in su’aal kasta la weydiiyo balse ay lagama maarmaan tahay in madasha ay noqoto mid musharraxiinta ay ku caddeeyaan qorshahooda.