IEBC oo dalbatay in la siidaayo saddex sarkaal oo lagu xiray JKIA

0
519

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa dalbanaya inay xurriyadooda dib u helaan saddex sarkaal oo ajaaniib ah kuwaasoo lagu xiray gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Howlwadeenada ayaa la qabtay xilli ay dalka keeneen agab loogu tala galay codeynta guud ee 9-ka bisha siddeedaad.
Waxay saraakiisha ka mid yihiin shaqaalaha shirkadda caalamiga ee Smartmatic International.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la xiray ka dib markii ay ku guul dareysteen inay faahfaahin dhameystiran ka bixiyaan agabka ay garoonka JKIA ka soo dejiyeen.
Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka , Wafula Chebukati ayaa sheegay inuu jiro qandaraas sharci ah oo ka dhexeya IEBC iyo shirkadda Smartmatic sidaas awgeedna uunan fahmin sababta loo xiray saraakiishan.