Agaasimaha guud ee guddiga cayaaraha dalka Pius Metto ayaa sheegay in taariikhdu marka ay tahay 6-da bisha Siddeedaad ee sanadkan aan isku soo baxyo siyaasadeed lagu qaban doonin garoomada cayaaraha ee Nyayo iyo Kasarani ee magaalada Nairobi.
Arrintan ayuu shaaca uga qaaday warqad ku taariikhaysan 20-kii bishan oo uu u qoray xisbiga UDA.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay in inta u dhexeysa 5-ta ilaa 7-da bisha dambe uu qorshuhu yahay in garoomada cayaaraha ee Moi International Sports Center, Kasarani iyo Nyayo stadium lagu qabto munaasabado nabadeed sidaas awgeedna aan laga sameyn karin isku soo bax siyaasadeed.
Hasa ahaate xisbiga UDA ayaa ku andacoonaya in tani ay qayb ka tahay qorshayaal dhowr ah oo lagu faragelinaya ololaha isbeheysiga Kenya Kwanza.
Xoghayaha guud ee xisbiga UDA Veronica Maina, ayaa laga soo xigtay inay 7-da bishan codsadeen in marka la gaaro 6-da August loo oggolaado inay isku soo bax ku qabtaan fagaaraha Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi.
Ololaha siyaasadeed ee dalka ka socdo ayaa soo billowday 29-kii bishii Shanaad waxaana dastuurka uu dhigaya in la soo gabagabeeyo 48 saacadood ka hor xilliga doorashada guud oo ku beegan 9-ka August ee sanadkan.